Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulk KMG ee Jubbaland oo u diyaar Garoobaysa ladagaalanka Al-Shabaab

Magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale ee Jubbaland ayaa waxaa laga dareemaa dhaqdhaqaaqyo ciidan kuwaasi oo uu maamulka Jubbaland ugu diyaar garoobaayo dagaallo uu ku qaado deegaanada ay kusugan yihiin Al-Shabaab iyo mucaaradka Jubbaland.

Dekedda magaalada Kismaayo maalintii Isniinta waxaa kasoo degay in ku dhow 25-gaadiidka dagaalka ah kuwaasi oo uu maamulka kasoo iibsaday dibadda.

Isla asbuucaan dekedda waxaa kusoo xirtay markab wadday saanad meleteri oo isugu jira hubka noocyadiisa kala duwan kuwaasi oo ay Dowladaha taageera ugu deeqeen maamulka Jubbaland.

Arrintaan ayaa kusoo beeggantay xilli muddooyinkaan ay gudaha magaalada Kismaayo ka socdeen howlo dib loogu habaynaayo ciidamada Jubbaland.

Waxaa arrintaan barbar socota mushahar siinta ciidanka iyo weliba tirakoob lagu samaynaayo ciidamada oo lagu diyaariyey xeryo banaanka ah magaalada.

Waxaa jira ciidamo ku jira xero ku taalla aaga Jaamacadda Kismaayo, waa ciidamo tiradoodu ku dhow dahay 2,000 (2-kun) waxaana dhowaan loo soo xiray tababar muddo socday, waxaa la hadal hayaa in maal maha soo socda la hubayn doono si ay qayb uga noqdaan ciidamada ka qayb qaadanaaya howlgalka.

Gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxaa maal mahan lagu arkaayey gawaari kuwa dagaalka ah kuwaasi oo lagu buufiyey midabka tuutaha ciidamada, waana gawaari uu maamulka bishii April kala soo degay dekedda iyadoo tani ay noqonayso markii labaad oo uu maamulku hub iyo gaadiid dagaal kala soo dego dekedda.

Sidoo kale degmada Afmadow, deegaanada Dhoobley iyo Kaambooni ayaa waxaa ka socda qorshe ay saraakiisha ciidamada Jubbaland ugu qoraayaan ciidamo cusub oo lagu biirinaayo kuwa Jubbaland.

Wararka aan ka helayno saraakiisha ciidamada ayaa sheegaaya in deegaanka Libooyo ee xadka kala qaybiya Soomaaliya iyo Kenya la keenay hub loogu talo galay in la siiyo ciidamada cusub ay iminka gaba gabo u yihiin tababarro la siiyey bilahii lasoo dhaafay.

Saraakiisha ay la hadashay Kismaayo.com ayaa sheegay in gaadiid ka badan 70 nooca dagaalka ah ay Jubbaland u diyaarisay howlgalka lagu xorayn doono deegaanada ay Shabaabku ka maamulaan dhulka Jubbaland.

Howlgalka ayaa yeelan doona labo weji, waxaana la kala wajihi doonaa degmooyinka Bu’aale iyo Jilib oo labaduba ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Ciidamada ka dhaqaaqa magaalada Kismaayo ayaa qaadi doona jidka tooska ah ee isku xira Kismaayo iyo Jilib waxayna foodda isdari doonaan ciidamada Barre Hiiraale ee fadhiyada deegaanka Goobweyn, wayna sii socon doonaan ilaa deegaanka Xaramka oo kala bara gobolada Jubbada Dhexe iyo Shabeelaha Hoose halkaasi oo ah xadka Jubbaland ee dhanka gobolada Shabeellooyinka sida ay Kismaayo.com u sheegeen saraakiisha ciidamada Jubbaland.

Ciidamada kale oo ka bixi doona degmada Afmadow ayaa abaari doona magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe iyaga oo usii gudbi doona deeganada ka tirsan ku xeeran degmadaasi ee ay Shabaabku maamulaan.

Ceegaag Online 

Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply