Maamulka Hirshabeelle oo ku Dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Khawaarijiinta UGUS
Masuuliyiinta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab kadib hadalkii ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa in Maamulada ay ka qeyb qaataan dagaalkaas.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Dabaashe oo ku hadlayay Magaca Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in waayadaan ay ku mashquul sanaayeen Caleema saarkii Madaxweynahooda balse dhawaan uu howlgalku bilaaban doono.
Waxa uu sheegay in marnaba aysan suurtagal aheyn in meel la iska fadhiyo dadkuna ay dhamaadaan sida uu hadalka u dhigay.
Walaallayaal halkan noogusoo dira wixii dhaliil, dhaleeceen iyo dhiiro galin ah/ Please send here you comments either complimentary or complains
webmaster@ceegaag.com ama
Figradihiina