Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid Gooni oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ika warbixiyay xaaladda amni ee magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in ciidamada ammaanka maamulka Jubba ay fashiliyeen qaraxyo ay Al-shabaab damacsanayd in ay ka geysato magaalada Kismaayo.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay miinooyin kasoo saareen qaar kamid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay in hadii miinooyinkaasi ay qarxi lahaayeen ay geysan lahaayeen khasaarooyin baaxad leh.
Masuulkan ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan degmada Kismaayo in ay kala shaqeeyaan ciidamada sugista amniga, islamarkaana ay kusoo wargeliyaan wixii khatar ah ee ay arkaan.
Dhawaan ayay ahayd markii qarax nooca miinooyinka dhulka lagu aaso ah lala eegtay gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugidda maamulka Jubba.
Dhinaca kale, gudoomiyaha ayaa digniin culus u diray dadka masoomayaasha ah ee ku nool magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidda bishan barakeeysan ee ramadaan gudaheeda ka ganacsatada raashiinka bisil.
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina