Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
October 18 (Ceegaag)—Ciidanka badda ee Maamulka Puntland ayaa maanta soo bandhigay doonyo ay ku soo qabqabteen hawlgallo ay dhawaan ka sameeyeen xeebaha Puntland.
Doomahan la soo bandhigay oo gaarayay illaa lix doon ayaa waxaa la sheegay in ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha Soomaaliya.
Taliyaha ciidamada Badda ee Maamulka Puntland Admiral cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay in saddex ka mid ah doomahan laga leeyahay dalka Iiraan halka saddexda kalana laga leeyahay wadanka Yemen.
Shaqaalaha saarnaa doomahan ayaa waxaa ay gaarayeen illaa iyo 130 shaqaale oo u badan ajaanib hase ahaatee waxaa ku jira dhowr ruux oo Soomaali ah kuwaasoo illaalo u ahaa qaar ka mid ah doomaha sida sharci darrada ah uga kalluumeysanayey xeebaha Soomaaliya.
Kalluumeysatada ajaaniibta ah ayaa lagu wadaa in la soo taago maxkamad iyadoo laga yaabo in ay mudan karaan xukuno xabsi iyo ganaax isugu jira
Ma aha markii ugu horeysay ee maamulka Puntland uu soo qabto kalluumeysato ajaaniib ah oo ka kalluumeysanaya xeebaha Soomaaliya.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina