Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Somaliland ayaa maanta dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Marka hore Aniga oo ku hadlaya magaca Maamulka Somaliland, waxaan doonayaa in aan halkan ugu hambalyeeyo Madaxweynaha cusub ee xalay Baarlamaanka dalka Soomaaliya ay u doorteen Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya afarta Sanno ee soo socda.

Waxaan kaloo aan hambalyaynayaa Madaxweynihii hore ee KMG Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo aqbalay natiijadii ka soo baxday Doorashadaasi.

Maamulka Somaliland waxaa uu muddo dheer ka damqanayay dhibaatadii ma-hadhiwaaga ahayd ee haysatay umadda Soomaaliyeed.

Doorashadanhaatan waxaanu, Maamul ahaan u aragnaa in ay tahay fursad ay ka abuurmi karto deganaansho iyo nidaam maamul dawladeed oo dalka gaadhsiin kara doorasho dadweyne oo ay si toos ah u soo doortaan madaxweynahooda.

Mudane, Madaxweyne waxaan  ku rajaynayaan in illaahay xilkaaga ku fududeeyo, isla markaana aynu ka wada shaqeeya maslaxada, iyo Nabadgelyada Mandaqada aynu ku nool nahay.

ALLAA MAHAD LEH

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag