Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Neecawda qabow ee kasoo dhacaysa dhinaca xeebta, dooga cagaaran ee ay indhahu jaleecada ka daalayn, dhibicda roobka iyo jawiga nabadeed ee maanta ka jira Kismaayo waa mid uu ruux walbaa ku talin lahaa in abid lagu jiro haddii weyne laga helo.
Magaalada Kismaayo ayaa si lamid ah sida deegaanada ku laala badweynta hindiya waxaa si hamsami leh uga socda roobabka xagaayada oo ah kuwa goos goos ah uga da’aaya magaalada.
Roobku maaha mid dabaylo iyo biriq wata oo dadka dhibaato ku haya ee waa mid ay naftu u bogeyso in aysan had iyo jeer ka ag fogaan, waxaa taasi sii bilay dooga cagaarka ah oo ay indhahaagu meel kasta ka qabanayaan maadaama ay horay magaalada ugu hooreen roobab lixaad leh.
Waxaa intaasi sii dheer oo Kismaayo ka jira jawiga guud oo deggan, dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isdhexgalka bulshada oo meel wanaagsan maraaya.
Qaar kamid ah dadweynaha Kismaayo oo aan arrintaan wax ka waydiinay waxay inoo sheegeen in ay ku faraxsan yihiin jawiga magaalada, waxayna ku taliyeen in laga fogaado wax kasta oo ka hor imaanaaya deganaanshaha xaalka Kismaayo.
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina