Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maareeye “Inta aan sanadkan dhamaan ayaa la dhisayaa maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

October 21 (Ceegaag)— Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo howlaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo ka dhawaajiyay in la dhisi doono inta aanu dhamaan sanadkan.
Maareeye ayaa sheegay in markii hore qorshuhu aha in bisha November la soo xulo ergooyinka iyo Baarlamaanka, si doorashada Madaxweynaha loo qabto, hase ahaatee ay dib u dhigeen murano iyo waxyaabo kale oo jiray.
“Meel aad u fiican ayuu marayaa howlaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe markii hore waxaa loogu tala galay bisha November in ergooyinka la xulo iyo baarlamaanka la xulo, si doorashada madaxweynaha loo galo, laakiin marka wax la dhisayo dad badan talada laga qeyb geliyo la rabo murano badan iyo waxyaabo kale iska soo baxaya”ayuu yiri Wasiir Maareeye.
Wasiir Maareeye ayaa sheegay in ka hor bisha December ay suuroobi doonto in Madaxweyne iyo Baarlamaan la doorto, waxaana uu rajo ka muujiyay sida ay iminka u socoto howsha.
Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dhaqan gelinta qodobadii ka soo baxay shirka wada tashiga, waxaana uu xusay in la go’aansaday Guddiga howl fulinta iyo guddiga farsamada ay dhowaan u baxaan Gobolada, si ay kulamo wada tashi ula yeeshaan bulshada rayidka.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply