Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ilaahay SWT wuxuu dadka baray wax aysan aqoon u lahayn, cilmigaa ilaahay barayna dadka wax aad u yar uunbaa Ilaahay ka siiyey, cilmiga intiisa soo hartay oo dhanna Alle SWT ayaa milkigeeda iska leh,waxaase xaqiiq jirta ah in aan aqoonta macallin la,aan cidna kasban Karin waxaana tusaale wanaagsan middaa u noqon kara Rasuulkeenna Muxammed NNKH in markii uu waxyigu ku soo degayey in uu Jibriil u ahaa bare oo uu quraanka ku dul akhrinayey.
Annaga haddii aynu nahay bulsho weynta Soomaaliyeed Macallinku qiimo weyn buu noogu fadhiyaa, oo xitaa intaan iskuullada la aadin ka hor macallinka dugsi quraanka waaliddiinta iyo dadka deegaankuba qaddarin aad u weyn ayey u hayeen, marka cunuggu quraanka dhammeeyana waxaa waalidku macallinka siin jiray qaalin Geel, iyadoo qofkii geel la siiyo ay dadku u arkayeen in uu yahay qof wax gal ah oo deegaanka micno weyn ugu fadhiya.
Macallinka soomaaliyeed wuxuu wax baridda carruurta Soomaaliyeed gacanta ku soo hayey muddo aad u fog iyo marxalado kala duwan oo qaarkood aad u dhib badan yihiin, sida badanna macallinka Soomaaliyeed wuxuu ku shaqeeyaa mushaar aad u yar oo ma jiro macallin barenimadiisa daaro ka jeexday ama hanti kale ka kasbaday, laakiin waxa kali oo hawshiisaa dahabka ah oo qiimaha badan uu ka dheefay ayaa waxay tahay magac, sharaf, ixtiraam iyo in meel kastoo uu tagaba macallinka fadhiga looga istaago.
Waxaa ammaan mudan macallimiinta is xilqaamay oo markii xukuumaddii burburtay dugsiyada iyo jaamacadaha soo nooleeyey oo ka dhiidhiyey in waxbarasho dadku waayo,carruurta Soomaaliyeed ee xasillooni darrada iyo kala dambayn la’aanta ku dhalataynna ku eegan waayey in ay ku barbaaraan jahli iyo aqoon la’aan.
Dadaalkaa miraha dhalay ee macallimiintu sameeyeen markii burburku dalka ka dhacay ka dib waa sida roob lagu doogsaday, waayo haddii qofba qof ku eegan lahaa, gacmahana la is korsaaran lahaa, dhallinyaro aad u fara badan fursadda ay manta haystaan ma aysan heli lahayn, iskullo iyo jaamacadana kama soo bixi lahayn, sida manta loo cayntana looma cayman lahayn dalka oo dhanna wuxuu noqon lahaa qof xabbad ridaya iyo mid ku soo ridaya, waxaa la yiri Haruurb daatay caanaa dabadaa la qaban jiray, macallimiintu dalka iyo dadkaba way badbaadiyeen, Ilaahoow madaxooda iyo magacoodaba noo raaji wax qabadkoodana ka abaalmari adduun iyo aakhiraba.
Waxaan jeclahay in aan halkan ku kala dhigdhigo xarfaha uu ka kooban yahay erayga macallin waana sidan:
M= Masuul
A= Aqoon leh
C= Caadil ah
A= Anshax wanaagsan
L= Layliye
L= Leefiye
I= Iftiimiyaha
N= Nolosha
Dhammaan Xarfahaasi waxay u taaganyihiin sifooyinka iyo tilmaamaha wanaagsan ee macallinku leeyahay, iyo xirfadaha uu isticmaalo si uu qof aan wax aqoon uga dhigo qof wax yaqaanna.
Intaa oo kali ah laguma soo koobi karo mudnaanta iyo amaanta macallinku leeyahay waxaa maskaxdooda iyo hal abuurkooda ugu hiilliyey suugaanyahanno badan waxaana Ka mid ah Heestan uu allifay Alle ha u naxariistee abwaan Xasan Sheekh Muumin oo uu ku luuqeeyey alle ha u naxariistee Macallin Maxamed Mooge erayadeedana waxaa ka mid ah:
Waxaan Nahay Waadiga Dugsiyada
Waxaan Nahay Waanada Macallinka
Waxaan Nahay Waadiga Dugsiyada
Waxaan Nahay Waanada Macallinka
Waagii Beryaba Ubax Laga Waraabshoo
Waagii Beryaba Ubax Laga Waraabshoo
Waxaan Ku Werwereynaa
Waddankiinna Wax U Barta
Waddankiinna Wax U Barta
Oo Xambaara Waajibkiisa
Oo Xambaara Waajibkiisa
Wahsan Meynno, Waaban Meynno
Warwareegi Meynno Oo Weecweecan Meynno
Wahsan Meynno, Waaban Meynno
Warwareegi Meynno Oo Weecweecan Meynno
Guul Wacan Oo Cadow Ka Waabto
Nolol Wanaagsan Iyo Barwaaqo
Nabad Lagu Wadaago
Ha Ku Waaro Waddankeennu
Ugu dambayntii waxaan maqaalkan ku soo geba gebaynayaa hambalyada xuska maalinta macallinka soomaaliyeed oo ay ka soo wareegtay 41 sano,dhammaan macallimiinta Soomaaliyeedna waxaan leeyahay hambalyo ,waxaanna ugu baaqayaa in ay dadaalkooda sii kordhiyaan,Allana waxaan ugu baryayaa in uu siiyo liibaanta adduun iyo midda aakhiraba.
W/Q: Barre Sheekh Cabdullaahi ( Bangaladhesh )
Ceegaag.com
Figradihiina