Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Machadka daraasaadka Soomaalida (ISOS) ee hoos taga Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 9/6/2016-ka qabtay daahfur loo sameeyay buuga Diiwaanka Maansooyinkii lamagac baxay “Qaskii Loo Durbaan Tumay” oo ay maskaxdooda kasoo maaxatay labada hal-abuure Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar oo ay bulshada Soomaaliyeed kutiqiinay aabihii wax barashada Soomaaliyeed xiligii burburka iyo abwaanka Soomaaliyeed Cabdirashiid Cumar Axmed (Ina Cawsgurow) oo ay bulshada soomaaliyeed ku taqaano saarka, diiwaankan oo ladaabacay maarso 2016.
Labada hal-abuure ayaa waxay soo bandhigeen suugaan ku qotonta xiliga lagu jiro iyadoo taabanaysay mawduucyo kala duwan oo nolosha qaybaheeda kala duwan sida:- nabadda, waxbarashada, walaalnimadda, midnimadda, hogaaminta wanaagsan iyo iyada oo ka digaysay colaadaha, maamul xumida, musuqmaasuqa, eexda, iyo qabyaalada raadkeeda xun ee ay leedahay.
kasoo qayb galayaasha ayaa waxay u riyaaqeen maansooyinka ay soo bandhigeen labadaan hal-abuure waxayna codsadeen in madashaan oo kale uu badiyo machadka daraasaadka soomaaliyeed (ISOS) ee hoostaga jaamacadda Muqdisho.
Diiwaankan maansooyinkan “Qaskii Loo Durbaan Tumay” ayaa waxaa soo aqriyay falanqayn waynna kusoo sameeyay laba aqoonyahan oo kala ah qoraaga soomaaliyeed Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax) iyo ustaad Cabdulqaadir Axmed Maxamed (Juba) oo kutilmaamay in diiwaankan uu isku xirayo suugaan yahaanadii hore iyo kuwa dambe waxayna bulshadii madashaan kasoo qayb gashay ku booriyeen inaysan kamaqnaan maktabadooda oo ay iibsadaan.
gebagebadii intii kasoo qayb gashay daahfurka waxay nasiib uyeesheen in loo hadiyeeyo buugan inta kamaqanna ay ka heli doonaan goobaha lagu iibiyo buugaagta. wuxuuna kusoo dhamaaday jawi qurxoon oo aad loo jeclaystay.
Ceegaag.com
Figradihiina