Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ciidamadaan oo muddooyinkaan uu tababar dib u dhaqan celin ah uga socday duleedka magaalada Kismaayo ayaa maanta halkaasi lagu soo bandhigay.
Ciidamada oo tiradoodu ka badan ilaa 260oo askari ayaa waxaa maanta loo qaybiyey tuute cusub oo ay ku howlgali doonaan, sidoo kale waxaa lagu wareejiyey hub iyo gaadiid nooca dagaalka ah oo ay qoryo ku xiran yihiin.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku lebisan dareeshka ciidamada ayaa la hadlay ciidamada, Axmed Madoobe ayaa sheegay in ciidamadaan iyo gaadiidkaan dagaalka ee cusub loo diyaariyey howlgal ka dhan ah Al shabaab.
Ugu horayn Taliyaha ciidamada daraawiishta Jubbaland Col. Aadan Koojaar ayaa madaxweynaha kusoo dhoweeyey ciidanka, iyadoo kaddibna uu madaxweynahu hadallo dar daaaran iyo dhiiri gelin ah u jeediyey ciidamada.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa xusay in abaabul dagaal oo caynkan uu ka socdo deegaano kale oo Jubbaland ka tirsan sida degmooyinka Afmadow iyo Doolow iyo deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.
Waxaa jira ciidamo kale oo weli uu tababar uga socdo xeradaan kuwaasi oo uu madaxweynaha Jubbaland sheegay in dhowaan la qalabayn doono isla markaana ay qayb ka noqon doonaan howlgalada bilaaban doona.
Howlgalkaan oo ah mid muddo badan la qorshaynaayey ayaa ku wajahan deeegaanada ay Al shabaab ka maamulaan gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe.
Intaasi ka dibb ciidamada ayaa dhoolatus ka sameeyey garaankii hore ee Madhamaato iyagoo qaaday waddada laamiga ah ee dhexmarta magaalada Kismaayo ilaa ay ka gaareen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.
Warar hoose oo aan ka helnay saraakiisha ciidamada ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaaya in howlgalka ugu horeeya la bilaabi doono asbuucaan isla markaana ay howlgalada ugu xoogan dhici doonaan bishaan Ramadaan.
DAAWO SAWIRRADA:
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina