Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxda sare ee ururka Al-Shabaab ayaa shir albaabada u xiran waxaa uga furmay degmada Jilib oo ka tirsan gobolka Jubada Dhexe.
Shirkaan oo albaabada u xiran oo socda maalintii labaad ayaa madaxda waxay uga hadlayaan weeraro ku soo fool leh saldhigyadooda ugu waaweyn ee ay ku leeyihiin gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka soo xiganay ilo wareedyo ku dhow dhow halka uu shirka ka dhacayo ayaa sheegaya in ammaanka goobta uu shirkaasi ka dhacayo si weyn loo adkeeyay, iyadoo shirka ay ka soo qeyb galeen madaxda ugu sareysa xarakada Al-Shabaab.
Shirka ayaa waxay kaloo madaxda Al-Shabaab uga hadlayaan inay go’aan mideysan ka qaataan ku biiritaanka kooxda khilaafada Islaamka la baxday ee lagu magacaabo Daacish.
Ilaa iyo iminka ma jirto go’aan rasmi ah oo laga gaaray isbedelka ururka Al-Shabaab uu ka sameynayo siyaasadiisa ku wajahan dagaal gelinta iyo ku biiritaankiisa kooxda IS.
Dhinaca kale madaxda sare ee shirka ku jirta ayaa warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan inay ka mid yihiin Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage, Sheekh Cubeyda hoggaamiyaha Al-Shabaab iyo madax kale oo isugu jirta Soomaali iyo ajaanib.
Ceegaag muqdisho
Figradihiina