Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxa loogu yeedho Isimada oo baryahan ku mashquulsan sidii ay u qaybsan lahaayeen xubnaha Baarlamaanka ee deegaanada Khaatumo ee masuulka looga dhigay in laga xulo maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa waraysi dhinacyo badan taabana siiyay Tvga SOMNEWS madaxwaynaha Khaatumo Dr. Cali Khaliif isaga oo kashifay qiiq siyaasadeedka ay isku qarinayaan odoyada iimaan beelay ee deeganadan Khaatumo ugu magacaaban waxa ay dadkaasi ugu yeedhaan ISIMADA.
Tuugadan Isimada isku magaaacaba ayaa baryahan ku dul foorara sadex halaad oo raqa oo cudur siyaaseed ku dilay Garoowe. Marka ay feentaana laga filayaa inay u dilaal tagaan Doorashooyinka Somaliland, iyaga oo curyaaminaya siyaada dadka u dhiibtay Cimaamadaha markoodii hore.
Dhinaca kale Maamulka Khaatumo ayaa ku baaqay in lasameeyo gole Cuqaal oo aan ahayn kan Isimada oo sida muuqata ku fashilmay kaalintoodii kaga aadanayd geedi socodka geediga Khaatumaysan ee reer SSC.
Hadaba madaxwaynaha Khaatumo oo arintaa ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi Daawo….
Ceegaag.com
Figradihiina