Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa maanta gaaray magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar, iyadoo banaan bax rabshado watay ay ka dhaceen magaalada, intii aanu soo gaarin, halkaasoo dadweyne fara badan ay jidadka dhagxaan ku xireen, taayaro ay ku gubeen.
Sida ay sheegayaan wararka ilaa saddex ruux ayaa ku dhaawacmay banaan baxa, waxaana mid ka mid ah ay aheyd haweeney, waxaana la sheegay in Ciidamada ammaanka ay adeegsadeen rasaas.
Dadweynaha isugu soo baxay dibad baxa ayaa ku qeylinayay halku dhigyo ka dhan ah Madaxweyne Faroole, iyadoo dibad baxayaashu ay ka soo horjeedeen in muddo kororsi uu sameeyo Madaxweynaha Puntland.
Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in Madaxweyne Faroole uu si nabad ah ku tagay, isla markaana dibad baxyadu aanay aheyn kuwo sidaa u buurnaa.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland caawa ku hoyanayo Qardho, iyadoo ammaanka la adkeeyay, waxaana Faroole uu kulamo la leeyahay waxgaradka iyo bulshada Qardho.
Siyaasiyiinta ka soo jeeda Puntland ayaa ka soo horjeeda in xilligan muddo kororsi uu sameeyo Madaxweyne Faroole, iyagoo ku baaqaya inay dhacdo doorasho cadaalad ah.
Maamulka talada haya ayaa lagu eedeeyaa inuu caburin ku haayo siyaasiyiinta, isla markaana aanay dadka xoriyad heysan, iyadoo Ra’iisul Wasaarihii hore C/wali Gaas oo dhowaan booqasho ku tagay deegaanada Puntland uu caqabado kala kulmay Mas’uuliyiinta Maamulkaas.
Figradihiina