Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxwaynihii ugu danbeeyay ee Dawladihii kumeelgaadhka ahaa Mudane. Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa shalay kula kulmay Jaaliyada xarunta Madaxwaynayaasha Afrika ee Jaamacada Boston University.
Madaxwaynaha oo kulamo gaar gaar ah la qaatay dadkii kulankaa kasoo qaybgalay oo fursad qaali ah u helay inay madaxwaynaha sigaar-gaar ah isula istaageen isna barteen ayaa waxa uu kusoo gabo gaboobay in jaaliyadu kulan balaadhan u qabato madaxwaynaha.
Charles Stith oo ah xoghayaha Xarunta Madaxwaynanimada Afrika ayaa aad ugu soo dhaweeyay madaxwaynaha isga oo goobtaa ka sheegay inay aad iyo aad ugu hanwaynyihiin madaxwayne Shariif waxaa kale oo uu qiray in xaruntu aad ugu faraxday markii uu madaxwaynuhu ka aqbalay inuu yimaado.
Madaxwaynaha ayaa arimaha uu dadka kala hadlayay ay u badnaayeen sidii dadka iyo dalka loo gacan qaban lahaa isaga oo aad ugu dheeraaday in dib udhiska dalku sugayo jaaliyada sidoo kale madaxwaynaha ayaa sheegay in aan fasax cidna looga baahnay in la dhiso Iskuulaad, Isbitaalo, iyo Jidadka.
Su’aalo aad u badan oo madaxwaynaha la waydiiyay kuwii ugu xiisada badnaa waxaa kamid ahaa inuu Siyaasada ka tanasulay isga oo sheegay in uu da’yaryahay qabsana karo waxyaabo badan oo aan siyaasad ku lug lahayn. Dhinaca Federalka ayuu madaxwaynuhu ku sheegay inay haatan Daawo loo arkay maadaama aan wali lays aamini karin.
Ugu Danbayn madaxwaynaha ayaa si aadaugu mahad celiyay Safaari iyo Maxamed Idiris “Shariifka’ oo suuro galiyay kulankaa shalay ka dhacay xarunta madaxwaynayaasha Afrika ee Boston University.
Note: waxaa goobjoog ahaa South Kuuriya(OgaalTv) iyo C.Fiin(Ceegaag.com) Cajalada ha u daymo la’aan dhawaan… naladaawo xafladaa Sawiradeeda.
Ceegaag.com
Figradihiina