Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Shirkii golaha wasiirada ee Khamiislaha ahaa ayaa maanta 20 June,2013 lagu meel mariyay safiiro cusub oo ay soo gudbisay wasaarada arimaha dibadda. Safiirada la ansixiyey ayaa kala ah Gen. Muuse Xasan Cabdulle oo ahaa gudoomiyihii KMG ahaa ee Barlamanka Somalia ka hor doorashadii Jawaari ,waxana loo magacaabay dalka Talyaaniga oo horey Nuur Cade u fadhiyay.
Axmed Cabdisalaam Aadan oo wasiir ka soo noqday xukuumadihi KMG ayaa Safiirka Somalia ee Ethiopia loo magacaabay halka Danjire Siciid Nuur Yuusuf oo booskaas horey u joogay dalka Tanzania loo badalay, halka Cali Saciid Fiqi Danjiraha Somalia ee dalka Belgium iyo Midawga Yurub noqday iyo Nuur Faarax Xirsi isna laga dhigay danjiraha dalka Malaysia. RW Saacid ayaa talaabadan ku macneeyay mid ay uga danleeyihiin xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee dallalka dibadda.waxana horey Sanbalooshe loo magacaabay safiirka Somalia ee Britain.
Magacaabista safiiradan cusub ayaa dadka siyaasada indhe dheeya ku sheegayaan mid aan loo marin wadadii saxda ahayd ee Somalida wax ku qaybsato ,waxana xafiiska Xasan Shiikh Maxamuud ay ku eedeynayaan kooxaysi ,beelaysi iyo saaxibtinimo inay wax ku soo xusho iyadoo baal mareysa aqoonta iyo tayada looga baahnaa qofka la magacaabayo.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Max´uud, oo wiilka walaalkiis dhalay u magcaabay wasiir, walaashiisna u magcaabay Gudoomiye Haween ayaa Safiirkii todobaad oo ka soo jeeda Beesha Hawiye magcaabay maalintii shalay. Halka ka akhriso Safiirada Beelaha Hawiye ee caalamka magac Soomaaliyeed ku jooga
Safiirka Ingiriiska Safiirka AU Safiirka Roma Safiirka South Africa
Figradihiina