Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Dalka Turkiga oo ku Dhawaaqay in la Qaban doono Doorasho Baarlamaani ah

Ogoosto 22, 2015 (Ceegaag) — Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdo?an ayaa ku dhawaaqay in 01-da bisha November ee soo socota ay dalka dalkaas ka dhici doonaan doorashooyin baarlamaani ah; kaddib markii xisbiyiada dalkaas ay ku guuleysteen in la dhiso xukuumad wadaag ah.
Recap Erdo?an ayaa sheegay in arrintan uu kala hadli doono Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkiisa. Iyadoo tallaabadan lagu sheegay in awooddiisa gaarka ah uu adeegsaday Erdo?an, isagoo soo af-jaray walaac iyo shaki badan oo ka jiray dalkaas.
Waddanka Turkiga ayaa waxaa sii maamuli doonta Xukuumadda wadaagga ah taasoo ay ka qayb qaadanayaan dhammaan Asxaabta kuraasta ku leh Baarlamaanka waddankaas ka jira hadda.
Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu ayaa marar badan ugu baaqay Axsaabta dalkaas dhismaha xukuumad loo dhan yahay inta aanay go’in xilligii dastuuriga ahaa ee loogu talo-galay dhismaha xukuumadda.
Davutoglu ayaa Talaadadii lasoo dhaafay ku dhawaaqay inuu ku guul-dareystay dhismaha Xukuumad wadaag ah, Tallaabadan ayaa imaanaysa kaddib markii xisbiga Erdo?an ee AK uu lumiyay inta badan kuraastii baarlamaanka dalkaas doorashadii dhacday bishii Juun ee sannadkan, waa markii ugu horreysay oo guul-darro noocan ah ay soo gaarto xisbigaas tan iyo 2001-kii.
Baarlamaanka ayaa waxaa dhici karta in uu u coddeeyo in xukuumadda hadda jirta ay shaqadeeda sii wadato inta doorashada dhacesyo, laakiin arinkaas waxaa ku gacan seyray mid ka mid ah Asxaabta Mucaaradka.
Is-qabqabsiga siyaasadeed ee ka jira dalkaas ayaa keenay inuu hoos u dhac ku yimaado dhaqaalaha Turkiga iyo inay yaraato kalsoonida dadkii Maalgashiga ku sameyn lahaa dalkaas, waxaa intaa u dheer dagaalka Daacish iyo Kurdiyiinta.
Ugu dambeyn, Liiraha Turkiga ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac, halkii Doollar waxaa lagu sarifayay 3.0 Liiro, waa hoos u dhac qiyaastii 22%, laakiin dadka wax falanqeeya waxay sheegayaan in doorashadan Baarlamaaniga ee lasoo hormariyay keeni karto in wax walba caadi kusoo noqdaan.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply