Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
October 14 (Ceegaag)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in awooda dalka ay leeyihiin urur gaar ah, isagoo cadeeyay inuusan ka mid aheyn, waligiisna ka mid noqon Urur diimeedyada dalka ka jira.
Madaxweynaha ayaa sheegay in aysan jirin dowlad ay leeyihiin Dam-Jadiid oo ah urur diimeeed lagu xaglinayo in awooda dalka ay leeyihiin, waxaana uu tilmaamay in dowladda aanay jirin koox gaar ah oo lahaan karta.
“Aniga ka Madaxweynaha Jamhuuriyada ama ka Xasan Sheekh ahaan urur diimeed waligey kama mid noqon, maantana kama mid ah, Damul Jadiid, Al-Islaax, Aala Sheekh, Ahlusuna, Ictisaam Al-Itixaad, midna kama mid noqon, Madaxweyne kasta dad ka ag-shaqeeya oo ka agdhaw oo shaqada u fududeeya wey soo jireen, dabcana waa ay jirayaan, laakiin Dowlad Damul Jadiid ay leedahay dalkan kama jirto”ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlayay barnaamij dood ahaa oo qadka Internet-ka uu kaga qeyb galay oo kumanaan ruux ay ku taxan yihiin, kaasoo su’aalo lagu weydiiyay.
Madaxweynaha oo mar la weydiiyay inuu musharax yahay sanadka 2016 ayuu mar kale sheegay inuu yahay musharax, isla markaana uu rajeynayo inuu mar kale qabto xilka Madaxweynaha, hadii laga guuleystana uu la shaqeynayo cidii xilka loo doorto
“Waxaan rabaa inaan dhaqan cusub iyo wado cusub inaan jideeyo, Musharaxna waan ahay oo sidaas ayaan Musharaxa ku ahay, hadii la ii doorto inaan mar kale sii joogo diyaar u ahay, hadii aan la ii garan waxaa raalli ka ahay inaan xilka ku wareejiyo qofka la doorto”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay in hadii ay suura geli weysay doorasho hal cod hal qof aysan marnaba diyaar u aheyn inay waqti kordhin sameystaan, waxaana uu tilmaamay qaladaadka ay leedahay waqti kordhinta ay soo arkeen, qaladkii shalay la galayna aanay maanta diyaar u aheyn inay galaan.
Madaxweynaha ayaa dadka siyaasadaha falanqeeya ayaa musharaxnimadiisa marlabaad ku tilmaameen inaysan waxba soo kordhin doonin ayna barteen shacabka soomaaliyeed inuu san waxba dowladiisa aysan soo kordhin.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina