Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu magaalada New York ee dalka Mareykanka uu kaga qayb-galay Kulanka 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa waxa uu ka qayb-galay shir heer sare ah oo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya, shir saddex geesood ah oo ay qayb ka ahaayeen dalalka Masar iyo Kenya iyo kulan doceedyo kala duwan oo uu la qaatay dhiggiisa dalalka Caalamka.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa magaalada Washington waxaa uu xarigga kaga jaray dhismaha cusub ee loo iibiyay Safaaradda Soomaaliya ee Washington.
Soo laabashada Madaxweyne Farmaajo ee Muqdisho ayaa ku soo aaday, iyadoo horaanta bisha October uu magaalada Muqdisho ka dhacayo shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Somali Partnership Forum, kaasoo ah wajigiisa labaad shirkii ka dhacay sanadkii hore magaalada Brussels, waxaa shirka ka qeyb geli doona Madaxda Maamul Goboleedyada, Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka, wakiilada Beesha Caalamka iyo dalalka deeq bixiyeyaasha.
Figradihiina