Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
October 26 (Ceegaag)— Madaxweynaha Galmudug ee Soomaaliya Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa shalay si rasmi ah u furay Garoonka diyaaradaha Ushaka ee degmeda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kaasoo noqon doonaa garoon diyaaradeed u gaar ah maamulkiisa.
Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa horay ugaga soo degi jiray garoonka diyaaradaha waqooyiga Galkacyo oo ay Puntland maamusho, waxaana shalay soo caga dhigatay diyaaradii siday Madaxweyne Guuleed oo uu wehliyay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Qeybdiid.
“Waxaa sharaf weyn u ah shacabka iyo Dowladda Galmudug inaan maanta si rasmi ah u furo garoonka diyaaradaha USHAKA ee degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo wax weyn ka tari doona isu socodka dadka deegaanka iyo kobcinta dhaqaalaha Galmudug”ayuu yiri Madaxweyne Guuleed
Madaxweyne Guuleed ayaa u mahadceliyey dhammaan dadkii kaalin ka geystey furitaanka garoonka diyaaradaha USHAKA, isagoo yiri “Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii ka qeyb qaadatay suurto gelinta garoonkan diyaaradaha, ha noqoto shacabka deegaanka, ganacsatada, maamulada deegaanka iyo cid allaale iyo cidii kaalin ka qeysatay. Furitaanka garoonkan waxuu noo leeyahay ahmiyad gaar ah oo noo horseedi kara in dhalinta deegaanka ay shaqo ka helaan, tanoo kobcin doonta dhaqaalaha GalMudug.”
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda GalMudug ay ka go’antahay abuurista ilo dhaqaale oo muhiim u ah dowlanimada.
“Dowladda Galmudug ayaa ahmiyad gaar ah siineysa koboca dhaqaalaha iyo sidii loo abuuri lahaa ilo dhaqaale oo shacabka deegaanka u horseeda inay shaqo ka helaan, isla markaasna ganacsiga uu horumaro. Bacdamaa aan unkeyno hay’adihii dowliga ahaa ayaa garoonka diyaaradaha ee aan maanta furnay waxuu noo horseedi karaa in shacabka deegaanka ay arkaan sida ay Dowladda GalMudug ugu dadaaleyso dhismaha abuurista ilo dhaqaale oo kalsooni gelin kara shacabka deegaanka.”
Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay shacabka deegaanka inay kaalin fiican ka qaataan sidii ay ula shaqeyn lahaayeen dowladda Galmudug si adeegyada bulshada ee aasaasiga ah loo hirgeliyo.
Ceegaag- muqdisho
Figradihiina