Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maarso 6 (Ceegaag)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde oo ahaa Wariye, aqoonyahan iyo siyaasi rug cadaa ah.iyo ganacsade
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa loogu tacsiyadeeyay qoyskii, eheladii iyo shacabkii uu ka baxay Marxuum Walde
“’Innaa Lillahi wa Inaa ileyhi raajicuun. Waxaan qoyska , ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde oo dalkan xilal kala duwan ugu soo adeegay. Waxaan marxuumka ku tilmaami karaa shakhsi dhismihii hay’adaheena dowliga kaalin weyn ka soo qaatey, lana tebi doono doorkiisa”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha
Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi, waxaa uu ahaa siyaasi, aqoonyahan iyo shakhsi nabadda u ololeeya. Waxaa uu kaalin muuqata ka soo qaatey warbaahinta Soomaaliya, isagoo mar noqdey Agaasimaha Raadiyihii Qaranka, marna ka soo shaqeeyay laanta afka Soomaaliga ee BBC.
Marxuumka waxaa u ka dhex muuqday dadaaladii dib u heshiisiinta iyo dib u yagleeliddii qarannimadii Soomaaliya, waxaana ilaa inta ay geerida uga timaaddo uu ku lug lahaa hawlo dib loogu soo nooleynayo adeegyadii bulshada ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa geesi ka baxay ummadda Soomaaliyeed, una soo dhabar adeygey xaaladihii adkaa ee waddanka ka jiray, waxaana uu Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa tacsi u diray Qoyskii, Qaraabadii iyo shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde oo ku geeriyooday magaalada Nairobi.
“Anigoo ku hadlaya magaca xukuumada, waxaan halkan tacsi u marinayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde. iyo dhamaamba shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo intaasi ku daray inuu alle uga baryayo inuu Janada ka waraabiyo.
Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde ayaa maanta lagu aasay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana aaskiisa ka qeyb galay Mas’uuliyiin, safiiro, siyaasiyiin iyo dadweyne kale.
Ceegaag.com
Figradihiina