Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul Wasaaraha dalka C/weli Sheekh Axmed MAxamed, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ayaa markab ay leeyihiin Ciidamada Badda Dalka Turkiga oo Ku Soo Xirtay Dekeda Muqdisho kula Kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada badda ee dalkaasi iyagoo ku soo dhaweeyay dekeda Muqdisho, iyadoo maraakiibtaasi tiro ahaan ay ahaayeen 4 markab.
Madaxweynaha dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay mid ka mid ah maraakiibtaasi ayaa Xusay inay sharaf weyn ay u tahay in ay ku soo dhoweyaan dalka maraakiibta badda Turkiga ee soo gaaray dekedda Muqdisho, waxaana uu kormeeray mid ka mid ah maraakiibtaasi oo ay ku wada qadeeyeen.
“Waxaan ka mahadcelinayaa deeqda dawada ah oo ay ugu talo galeen isbitaalada magaalada Muqdisho ay maamulaan walaalaha Turkiga islamarkaana ay ku caawiyaan dadka Soomaaliyeed ay na soo gaarsiiyeen maraakiibtani, runtii aad baan idiin kaga mahad celinaynaa caawimaada dhabta aad na siineysaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan
Saraakiisha Turkiga ah ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyay socdaalkooda, iyagoo sheegay in socdaalkooda uu qeyb ka yahay safar ay ku marayaan wadamada Africa ee Xeebaha leh, Waxaana Safiirka Dowladda Turkiga Kamaaludiin oo halkaasi ka hadlay ayaa ku amaanay madaxda dalka howsha baaxada leh oo ay u hayaan Umadda Soomaaliyeed.
Saraakiishani oo uu hogaaminayo taliyaha Ciidamada Badda Dalka Turkiga Rear Admiral Ali Murat ayaa sidoo kale xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga iyo calaaqaadka dhanka Ciidamada ah, waxaana taliyaha Ciidanka Xoogga dalka iyo taliyaha Ciidanka Badda ay is weydaarsadeen hadiyado kale duwan, iyagoo dhanka kale wafdigaasi la kulmay wasiirka gaashaandhiga mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Ceegaag.com
Figradihiina