Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Pro.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daqiiqad ka hor u dhawaaqay raisalwasaaraha Cusub ee Soomaaliya.
Waxaana xilka raisalwasaaronimada loo magacaabay Cabdi faarax Shirdoon { Saacid }
Magacaabistan waxaa lagu shaaciyey munaasabad lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka ayadoo magacaabistaasina uu goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiye Maxamed Cismaan Jawaari oo labaduba wadajir uga hadlay Munaasabadda magacaabida ayaa u rajeeyey Ra’isulwasaaraha cusub ee Dalka inuu Alle u fududeeyo gudashada waajibaadka horyaala.
Ra’isulwasaaraha la magacaabay Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo goobta ka hadlay ayaa tilmaamay inuu dhowaan soo dhisi doono Xukuumad dalka ka samatabixisa dhibaatada taagan.
Taariikh nololeedka raisalwasaaraha Cusub waa nin ceenkee ah:
Raisalwasaarha Cusub ee Soomaaliya oo galinkii dambe ee Maanta loo magacaabay C/qaadir Faarax Shirdoon ( Saacid ) ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay nin aan lagu aqoon siyaasadaha isgarab ordaaya ee ka jira Soomaaliya.
Inkastoo uu yahay in Aqoon yahan ah ayaa hada waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay nin ad adaga oo go’aanka uu qaadanaaya si weyn uga fiirsado marka uu gaaraya aan marnaba dib uga laaban.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah u magacaabay Cabdiqaadir Faarax Shirdoon (Saacid) raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa wada-tashi muddo dheer qaatay kaddib go’aansaday inuu raysul wasaare u magacaabo Cabdiqaadir Faarax Shirdoon oo ah dhaqaaleyahan ka soo jeeda gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo loo yaqaano Saacid ayaa hadal uu jeediyay markii loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku dhawaaqay inuu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh.
‘Waxaa sharaf ii ah maanta oo taariikhda tahay 6-da October inaan helo kalsoonida Madaxweynaha, inaad Umada u qaado xilka Ra’iisul Wasaaraha taasoo ah mas’uuliyad ballaaran, inaan u guti si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka. Xukuumada aan soo dhisi doonaa waxay noqon doonaa xukuumad tayo leh, oo noqon doonta mid aan u dulqaadan doonin musuq maasuq, eex iyo wax is daba marin, Xukuumada waxay dalka u horseedi doontaa nabad iyo horumar’ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha cusub.
Taariikh nololeedkiisa oo kooban:
Cabdiqaadir Faarax Shirdoon wuxuu sanadkii 1958 ku dhashay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Wuxuu sanadkii 1983 ka qalin-jebiyay kuliyadda dhaqaalaha ee jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee Gaheyr oo uu ka qaatay shahaadada Bachelor-ka.
Sanadihii 1983 ilaa 1985 wuxuu ka shaqeeyay wasaaradihii maaliyadda iyo beeraha oo uu ka ahaa dhaqaaleyahan, isagoo wixii xilligaasi ka dambeeyay u wareegay dhinaca ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Wuxuu kaloo la shaqeeyay shirkad lagu magacaabi jiray Breton Woods Institutions, isagoo tan iyo 1991 si gaar ah u sameystay shirkadda Shirdon International Ltd oo uu ka ahaa aasaase iyo maamule.
Kaddib burburkii dalka, Saacid wuxuu degay magaalada Nairobi oo uu ka aasaasay shirkadda Shitraco Ltd & Shaam.
Saacid wuxuu 20-kii sano ee la soo dhaafay u dhuul-daloolay siyaasadda Soomaaliya, waxaana bishii March 2012 loo doortay guddoomiyihii ugu horreeyay ee Golaha Rajo (Rajo Forum).
Saacid wuxuu leeyahay afar carruur ah oo ay u dhashay Caasho Xaaji Cilmi oo ah xildhibaanad si weyn looga garanayo Soomaaliya oo in badan ka soo shaqeysay arrimaha horumarinta bulshada.
Magacaabiddiisa ayaa timid 25 maalmood kaddib markii Xasan Sheekh Maxamuud loo dhaariyay xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya kaddib markii uu doorasho kaga guuleystay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Munaasabadda lagu magacaabay raysul wasaaraha cusub oo ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa goob-joog ka ahaa xildhibaanno, mas’uuliyiin iyo suxufiyiin badan.
Figradihiina