Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Tuuga Dilaalka ah ee Micheal Keating oo booqasho hal maalin ah ku yimid Kismaayo ayaa goob joog ka noqday tartanka kursigii ugu danbeeyay ee Xubnaha Aqalka Hoose kasoo galaya Jubbaland.
Sidoo kale waxaa Safarkiisa ku weheliyay Wakiilka Midowga Africa iyo Safiirka Midowga yurub ee Soomaaliya. Kulan gaar ah oo ay wada qaateen kadib Madaxweynaha iyo Micheal Keating ayaa Saxaafada si wada jir ah ula hadlay.
Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay dhamaystirka xubnaha Aqalka Hoose ee Jubbaland waxaa kale oo uu sheegay in qaybtan Cusub ee lagu kordhiyay Aqalka Martida ay ku timid isku tashi isagoo xusay in ay Dowlada Jubaland dhiiri galinayso hananka wax qabsiga isku tashiga ah.
Micheal Keating Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa xusay in talaabada lagu dhamasytiray Aqalka Hoose ee Jubaland ay tahay Tusaale kale oo Jubaland lagaga dayanayo Tubta Dowladnimada iyo horay usocodnimada isagoo bogaadiyay dhismaha qaybta Cusub ee Aqalka Martida waxaana uu xusay in ay Qaramada Midoobay garab taagan tahay Bulshada iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Ceegaag.com
Figradihiina