Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Jubbaland oo lagu Amaanay tilaabadii uu ku keenay Iftiin Baasto iyo Cabdi Baaleey

Tilaabadii uu Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku keenay magaalada Kismaayo labo siyaasi oo markii hore ka soo horjeedyay dhismaha Maamuka Jubbaland ayaa aad looga hadal hayaa gudaha magaalada Kismaayo iyo guud ahaanba Jubbaland, waxaana tilaabadaan lagu tilmaamay mid siyasadeed oo uu qaday Madaxweynaha Jubba.

Wafddigii shalay ee Madaxweyne Axmed waxaa qeyb ka ahaa labo siyaasi oo kalala ah Iftiin Baasto iyo Cabdi  Baley kuwaasoo ahaa labo siyaasi oo si weyn uga soo horjeeday Maamulka Jubbaland, waxaana wararku qaar ay sheegayaan in dadaal dheer oo siyaasadeed kadib uu labadaan nin madaxweynuhu ku qanciyay inay tagaan magaalada Kismaayo.

Qaar kamid ah dadweynaha ku nool magaalada Kismaayo iyo siyaasin kala duwan oo la hadlaya Ceegaag Online ayaa go’anka uu qaday Madaxweynaha Jubbaland ku tilmaamat mid geesinima ah, iyagoo sidoo kale sheegay in Madaxweynuhu uu dhaliyay gool siyaasadeed oo aad qaali u ah.

Qaramada Midoobey iyo AMISOM ayaa sidoo kale aad u soo dhaweeyay tilaabadaan.

Labada siyaasi ayaa xalay ku hoyday xarunta madaxtooyada Jubbaland halkaasoo soo dhaweyn aad u ballaaran loogu sameeyay.

Ceegaag Online

Kismaayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply