Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wafdigii Madaxweynaha Maamulka Jubaland ee saaka ka qeyb galay kulankii Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu qabtay xarunta Xalane ee Muqdisho ayaa goor dhawayd dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo.
Safarka Madaxweynaha ee Muqdisho waxaa ku weheliyay Wasiiru dowlaha madaxtooyada Cabdiqani Jaamac iyo la taliyaha madaxweynaha Cabdi Cali Raage.
Madaxweyne Axmed madoobe faahfaahin kama bixinin kulankii ay la qaateen Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.
Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka dhacay kulan muhiim ah oo uu soo qaban qaabiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay iyadoo ay goob joog ahaayeen 15-ka xubnood ee Xubnaha ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, madaxda DFS iyo madaxda maamul goboleedyada marka laga reebo madaxweynaha Puntland oo ka baaqday kulanka.
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina