Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweymaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo saaka ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport ayaa gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa magaalada Nairobi waxaa la filayaa in ay kaga qaybgalaan caleema saarka loo sameeyo madaxweynaha cusub ee wadanka Kenya Uhuru Kenyatta oo dhawaan ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee wadanka Kenya.
Mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaana Madaxaweynaha iyo wafidigiisa waxa ay ku sii sagootiyeen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Madaxaweynaha Soomaaliya ayaa ka mid noqonayo madax kala duwan oo Caalamka ka socota oo ku sii jeeda dalkaasi Kenya si ay goob joog ugu noqdaan dhaarta iyo caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta oo noqonaya madaxweynii 4aad ee uu dalkaasi yesho.
Warar ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Safarka Madaxweynaha ee dalka Kenya uu qaadan doona muddo ku siman hal maalin oo qura.
ceegaag.com
Figradihiina