Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha oo ka qeyb galaya shir madaxeedka 4aad ee Carabta iyo Latin America

November 11 (Ceegaag)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, halkaasoo uu kaga qeybgeli doono Shir Madaxeedka 4-aad ee Carabta iyo Latin America.
Shir madaxeedkan ayaa waxaa lagu gorfeyn doonaa xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, nabadgelyda iyo horumarinta.
Ka hor booqashada uu ku tegey Sacuudiga, Madaxweynaha waxaa horey u soo booqdey dalalka Uganda iyo Djibouti, halkaasoo uu kulamo kula soo yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni, iyadoo kulamadaasi looga hadley arrimo la xiriira amniga, la dagaalanka argagixisada iyo iskaashiga.
Booqashada afarta maalmood ee Madaxweynaha uu ku tegey Djibouti, Uganda iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu tilmaamey waa sida hadalka loo dhigayayna sheegeen masuuliyiin uhadashay dowlada dib u soo kabashada Soomaaliya: sida guulaha laga gaarey ciribtirka kooxda Al Shabaab, dib u soo celinta nabadda, si waddanka looga dhigo mid horumarsan, barwaaqeysan, doorna ka qaata arrimaha gobolka iyo caalamka intiisa kale.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply