Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
24 Maarso 2015, Dhuusomareeb: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud ayaa bilaabey kulamo gooni gooni ah oo u la yeelanayo ergooyinka shirka dib u heshiinta ee Dhuusamareeb, si uu xog ogaal ugu noqdo, isla markaana uu tilmaamo uga bixiyo hawsha harsan.
Madaxweynaha oo maanta halkaaasi gaarey , isla markaana ay socdaalkiisa ku wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo saraakiil sare oo ka tirsan cidammmada iyo ganacatsao ka soo jeeda gobollada dhexe, ayaa waxaa ujeeddada socdaalkiisu ay qeyb ka tahay dardargelinta hawlaha dib u heshiinta, iyo dhisidda maamul goboleed laga unko gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Madaxweynaha waxaa Dhuusamareeb si diiran ugu soo dhoweeyey Guddoomiyaha gobolka Galguduud , Xuseen Cali Weheliye Cirfo oo horkacayay dadweynaha gobolka, iyo madax dhaqameedyada gobollada dhexe ee maalmahan shir dib u heshiin ah uu uga socdey magaaalada Dhuusamareeb.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud intaanu ka amababixin gegida diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa uu mid mid u gacanqaadey Soomaali ku dhaawacantey qaraxyo ka dhacay Muqdisho oo loo qaadey dalka Boqortooyada Sacuudiga si loogu soo daaweeyo.
Madaxweynaha oo ay hareer socdeen Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Khaalid Cumar Cali iyo Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka, Cusmaan Maxamed Cabdi, ayaa gacanqaadka kadib waxaa uu dhaawaca ilaah uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo.
Dhaawaca waxaa lagu qaadey laba diyaaradood oo bukaan-la –duul ah oo uu u dhan yahay qalabkooda caafimaad, ayna la socdaan dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad o ay dhammaantood soo dirtey Boqortooyada Sacuudiga.
-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
Figradihiina