Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha oo sheegay in Caafimaad dibadda loo qaadayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii Liido

Janaayo 23 (Ceegaag)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gelinkii dambe tagay Xeebta Liido, kadib weerarkii habeen hore ku qaadeen Al-Shabaab, ayaa sheegay in dowladda ay xil iska saari doonto sidii dadkii ku dhaawacmay weerarkii Xeebta Liido oo aan dalka wax loogu qaban karin in dibada loo qaado.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inay xusuusan doonaan dadkii ku dhintay weerarkii Liido, isagoo ku eedeeyay Al-Shabaab inay u soo jeestaan beegsiga goobaha shacabka sida uu yiri.
“Inta dhaawaca ah wixii dadaal dheeri ah oo aan Soomaaliya wax looga qaban karin dowladdu waxay dadkaas u qaadi doontaa Dibadda, inta dhimatay ee kooxaha nabadeedka dileen waa xusuusan doonaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay noqdeen naf la caari, isla markaana la arki doonaa berri iyagoo weeraraya goobaha nugul, sida Iskuulada, suuqyada iyo masaajidada.
“Nimankaas nabad diidka ah duruuftooda waxay ku sugan tahay, Madaxtooyada weerar, Golaha Baarlamaanka weerar, Guriga Cadaalada gal, halkaas ayay ka yimaadeen, berri waxaa la arki doonaa iyagoo meelo intaas ka sii nugul inay weeraraan, sida Iskuulada, Masaajidada iyo suuqyada, iyagoo weeraraya la arki doonaa, tabartoodana intaas ayay u sii dhamaaneysaa, dadka dhiigiisa inay daadiyaan wax kale oo u soo haray ma jirto”ayuu yiri Madaxweynaha.
Tirada dadkii ku dhintay weerarkaas ayaa la xaqiijiyay inay ka badan tahay 25 ruux oo u badan dad rayid ahaa, kuwaasoo ahaa dadkii u nasasho tagay xeebta, kuna shaahayay maqaayadda Liido.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply