Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha oo sheegay in Haweenka la siin doono doorkooda ka qeyb galka siyaasada

Maarso 12 (Ceegaag)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay siin doonaan kaalintooda ku aadan ka qeyb galka siyaasada iyo boosaska ay ku leeyihiin Hey’addaha dowladda.
Kulan looga hadlayay kaalinta Haweenka ee dhinaca siyaasada oo uu Madaxweynuhu ka qeyb galay ayuu ka dhawaajiyay inay xaqiijin doonaan sidii haweenka ay u heli lahaayeen %30 ee ay ku leeyihiin matalaada dowladda.
“Doorka Siyaasada haweenka waa ku jiraan, waana ka muuqdaan, waxaa ka shaqeyneynaa in kaalinta kor loo soo qaado, dowladdu waxaa ka go’an 30% kaalinta haweenka inay ku yeeshaan mataalada dowladda, sida Baarlamaanka”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in si waafaqsan sharciga ay u suurta gelin doonaan in haweenka xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda ay heli lahaayeen.
Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Marwada Madaxweynaha Sahro Cumar Xasan, waxaana ka qeyb galay haweenka Soomaaliyeed ee ku jira Baarlamaanka.
Ururada u dooda xuquuqda haweenka ayaa sheegay in Haweenka laga qadiyay boosaska muhiimka ah ee dowladda, waxaana shirarkii u dambeeyay ee looga hadlayay siyaasada lagu go’aamiyay in haweenka la siiyo qoondada ay ku leeyihiin Baarlamaanka oo ah 30%.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply