Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo dib ugu laabtay Boosaaso iyo banaanbaxyo ka dhacay Puntland

Janaayo 28 (Ceegaag)— Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa gaaray magaalada Bosaso, kadib markii uu soo gabagaboobay kulankii wadatashiga qaran ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
Madaxweyanaha Puntland Prof. Cabdiweli Gaas oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka Boosaaso ayaa sheegay in Puntland aysan raali ka haayn go’aankii ay dawladda federaalku gaartey kaas oo ahaa in aqalka hoose ee baarlamaanka lagu soo xuli doono habka awood qaybsiga beelaha ee 4.5, halka aqalka sarena lagu soo xuli doono hab maamul goboleed iyadoo Puntland iyo Somaliland loogu dari doono midkiiba saddex xubnood oo dheeraad ah
Gaas ayaa sheegay in maamulkiisu uusan marna raali ka ahayn heshiiska la gaaray uuna yahay heshiisku mid ay dowlada federalku wadato.
Dib ugu soo laabashada Madaxweyne Gaas magaalada Boosaaso ayaa ku soo beegantay iyadoo banaanbaxyo ay ka dhaceen magaalooyin ku yaal Puntland waxayna dadka banaanbaxayay ay ku taageerayeen maamulka Puntland iyagoo ka soo horjeeday in hab qabiil wax lagu qeybsado.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply