Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa tan iyo markii shalay uu gaaray magaalada Nairobi ee xarunta Kenya kula kulmay masuuliyiin kala duwan oo iskugu jira Somali ,Afrikan ,USA iyo EU.
Wasiirka Arrimaha gudaha Gen.Ilkajiir ayaa ku wehelinayay socdaalkiisan ,waxana markii uu gaaray shalay halkaasi uu kulan kooban la qaatay madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo u sii jeeday dhanka Japan.
Sidoo kale isla Kenyatta Airport ayuu wasiirka arimaha dibada Somalia Fowsiyo Xaaji kula qaatay mudo kooban kulan oo wehelinayay ku xigeenkeeda ,halka garoonka banaankiisa ay isa soo dhoobeen dadweyne soo dhoweynayay madaxweyne Farole.
Xalay ayuu Ergayga USA u qaabilsan Somalia Ambassador James Swan isku arkeen kulan looga hadlay Puntland iyo guud ahaan Somalia.
”Qodobada laga wada hadlay ayaa waxa ka mid ahaa Amaanka ,Dastuurka DF,maamul u samaynta gobolada sida Jubaland ,dhaqaalaha ,shilinka Somaliga iyo horumarka laga gaaray geedi socodka dimoqraadiyada Puntland” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.
Subaxnimadii sakaa ayaa Farole waxa kulan balaaran la yeeshay safiiro ka socday 15 dal oo qaarada Yurub ah hogaaminayayna safiirka EU- u qaabilsan Somalia Michele Cervone, waxana ay si gaar ah isku arkeen isna wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Somalia Maxamed Saalax Al-Nadiif.
Waxa lagu wadaa in madaxweynuhu sidoo kale kulamo la qaato diblumaasiyiin ka socda dalalka Britain ,Australia ,IGAD ,Ethiopia iyo Khaliijka Carbeed.
ceegaag.com
Figradihiina