Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
October 19 (Ceegaag)—Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka soo dhoofay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo ayaa soo gaaray Muqdisho, si uu uga qeybgalo shir looga hadlayo hanaanka doorashooyinka 2016-ka.
Wafdiga Dr Cabdiweli oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah, waxaana lagu wadaa in ay ka qeyb galaan shir manta ka furmaya Muqdisho .
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in shirka ay Puntland ka soo jeedinayso markale aragtideeda ku aadan doorashada 2016 , mowqifka Puntland uu yahay mid cad oo dani ugu jirto guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.
Madaxda Maamul goboleedyada ayaa 19 bishii hore ee September magaalada Muqdisho kaga qeyb galay shir gogol xaar u ahaa shirka lagu wado in Muqdisho uu ka furmo.
Shirka Madasha Wada tashiga Qaran ee hanaanka doorashooyinka sanadka 2016 ayaamaanta ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda Federaalka, Madaxda Maamul goboleedyada, Golaha Wasiirada, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Beesha Caalamka iyo Ururada Bulshada rayidka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi shirkan u furi doona, waxaana talooyinka shirkan ka soo bixi doona uu yahay sidii la isugu waafaqi lahaa nooca doorasho ee ka dhici karta Soomaaliya, kadib markii ay suura geli weyday in doorasho qof iyo cod ay dhacdo.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina