Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul wasaarihiisa dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta furay Kalfadhiga 6-aad ee Barlamanka Somalia.
Madaxweynaha Somalia oo Khudbad ka jeediyay kalfadhiga ayaa soo hadal qaaday arrimaha ammniga iyo Federaalka, waxa uuna Xassan Sheekh sheegay in dowladda ay ku guuleysatay sameynta Maamulada KMG ah, inta dhimana ay dhameystiri doonaan.
Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in Dowladda ay ka saareyso Al Shabaab Deegaanada ay kaga sugan yihiin Somalia, si dhulkaasi uu u gaaro nidaamka Dowladda.
Madaxweynaha waxa uu dhinaca kale sheegay inay socdaan dadaalo dib loogu furayo Xawaaladaha Soomaalida Kenya.
Dhanka kale Guddoonka Barlamanka Somalia ayaa su’aalo ka weydiiyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ilaa hadda waxa ay ka qabteen dhibaatooyinka Qaxootiga Soomaalida ku heysata dalalka Kenya iyo Yemen.
Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay ka wada hadleen in aan lagu qasbin Qaxootiga Soomaalida dib u celintooda Somalia ayna ka aqbaleyn arrintaasi, isaga oo sheegay in dhinaca Yemen ay wadaan qorshe dib loogu soo celinayo dalka Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Yemen.
Kalfadhiga 6-aad, waxaa Barlamanka horyaalla meelmarinta sharuuc badan, kuwaasi oo gogal xaar u ah, doorashada 2016-ka la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya, taasi oo Shacabka ay walwal ka qabaan in aysan qabsoomin, marka loo eego daruufaha jira, ee Ammaanka iyo Dib u heshiisiinta.
Ceegaag.com
Figradihiina