Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Somaliya oo Xeer Madaxweyne ku ansixiyay Heshiiskii Madasha Wadatashiga

Madaxweynaha Somaliya ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne oo uu ku ansixinaayo Heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran ee Baarlamaanka Somaliya hor yaalay, horayna ay u wada gaareen Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboledyada. Xasan Sheekh Maxamuud oo Saxaafadda kula hadlay Madaxtooyada Somaliya ayaa sheegay kadib markii uu arkay in Baarlamaanka Somaliya ay ku cuslaatay ansixinta Heshiiskaasi inuu saaray Xeer Madaxweyne oo dhaqangelinaya Heshiiskaasi. Madaxweynaha wuxuu sheegay iyadoo laga fogaanaayo kala qaybsanaan ku timaado Baarlamaanka Somaliya iyo Niyad Jab Beesha caalamka dalka ay ka qaadaan, uu soo saaray go’aankaasi.

“Isbuucii la soo dhaafay waxaa noo cadaatay inay aad iyo aad ugu culus tahay Baarlamaanka in amuurahaasi go’aan deg deg ah ka gaaro, waana ku kala Ra’iyi duwanaaday, anigoo ka fekeraya waqtiga xadidan ee aan haysano, anigoo ka fekeraya wanaaga Baarlamaanka wuxuu ku jira, wixii qilaaf keenaya ee sii kala wadaya Baarlamaanka lafteeda looga turo, anoo ilaalinaya danaha Qaranka ee hadii go’aanadaasi horay u socon waayaan oo waqtiga nagu yimaado qatarta dalka ku soo wajahan ama ku imaan karto, marka loo fiiriyo dhinaca wadajir ah looga gudbo marxaladan iyo marka loo fiiriyo waxa ay naga sugayaan shacabka Somaliyed ee kuligood u dhag taagaya sida Dowladda Somaliya xilligaan oo kale uga gudbi laheyd Duruufaha waqtigan taagan iyo Beesha caalamka oo na fiirinaysa iyo aduunka oo dhan oo leh bal hala arko Somalida hadii ay gaareen Biseel Siyaasadeed hadii ay gaareen oo Duruufaha adag ka gudbi karaan, waxaa ii cadaatay in Baarlamaanka Federalka go’aan wada ogol ah dhexdiisa inuu ka gaaro arintaasi.

sidaasi daraadeed maanta waxaan soo saaray Xeer Madaxweyne oo tilmaamaya sida looga gudbayo Marxaladaasi adag, iyadoo Baarlamaankana aan u turayno oo aan diidayno in kala qaybsan dhexdiisa dhacdo oo aan diidayno inay dhacdo kala qaybsanaan Madasha Hogaamiyeyaasha ay dhacdo oo aan diidayno in Beesha caalamka rajo xumo ka aragto oo aan u tureyno dadkeena oo waayahan dambe rajo ka qabo Dowladnimada, intaasi oo dhan markii aan arkay waxaan soo saaray Xeer aan ku xeerinayo in Heshiiskii ugu dambeeyay ee Madasha Hogaamiyeyaasha ay gaareen wada ogolka ay ku gaareen wada ogolkaasi oo ahaa Shuruud ay markii hore Baarlamaanka ku xireen, waxaan soo saaray Xeer lagu meel marinaayo Heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran ee dhaqan gelinta Doorashooyinka dadban ee 2016 dhacaya, sidaasi darteed Shacabka waxaan u sheegayaa arintaasi sidaasi lagu go’aamiyay.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo Saxaafadda la hadlay.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply