Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
December 31 (Ceegaag)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay doorkii wanaagsanaa ee uu dalka ka geystey Mr Nicholas Kay, Wakiilkii waqtigiisa dhammaaday ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya.
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Danjire Nicholas Kay uu dadaal badan u galay fududeynta howlaha Qaramada Midoobey ka fulineyso Soomaaliya.
“Anigoo ku hadlaya magaca qaranka Soomaaliyeed, waxaan Mr Kay uga mahad celinayaa hawshii uu dalka ka qabtey muddadii labadii sanno iyo barka ahayd. Waxaa isagoo aan marna ka daalin uu dadaal badan geliyay nabadda iyo xasiloonida, isagoo dusha kala socday hawlihii Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka waddey, isla markaana xil weyn iska saaray in dadaalka beesha caalamka uu noqdo mid si wacan la isugu dubbariday”ayuu yiri Madaxweynaha.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Mr Kay kaalintiisa, isagoo xusay inay ogyihiin dadaalka uu geliyay Soomaaliya iyo shacabkeeda mudadii uu xafiiska joogay.
“Waxaan u rajeyneynaa mustaqbal wanaagsan, inagoo ku rajo weyn in xil kasta oo uu qabto uu ku muujin doono dadaal la mid ah tii uu ku bixiyey Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Nicholas Kay ayaa waxaa loo magacaabay xilka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya sannadkii 2013, waxaa beddelaya Mr Michael Keating oo xilka la wareegi doona bisha January, 2016-ka.
Dadka qaar ee odorasa siyaasada ayaa qaba in mudadii uu xafiiska joogay Mr Kay aanu waxba soo kordhin, isla markaana halkii uu Soomaaliya uga tagay Ergeygii hore Danjire Mahiga ay ka hooseyso, halka qaar kalena ay qabaan inuu wax badan qabtay.
Ceegaag.com
Figradihiina