Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaadhay magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaadhay magaaladaNairobiee caasimada dalkaKenya, madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho labo cisho ku joogidoona dalkaKenya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyata kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki iyo xubno ka tirsan Golaha wasiirada Kenya, iyadoo booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ay tahay tii labaad intii loo doortay xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ah Ra’iisul Wasaare xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka Warfaafinta C/llaahi Xirsi, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Farah Sheekh C/qaadir iyo mas’uuliyiin kale. Labada Madaxweyne ayaa kulan ku leh qasriga Madaxtooyada ee magaalada Nairobi, halkaas oo lagu wado in goor dhow ay saxaafada kula hadlaan.

Arrimaha ugu waa weyn ee labada Madaxweyne ka wadahadli doonaan ayaa waxaa ka mid ah howl galada ciidamada Amisom ee  gobolada Jubooyinka oo ay ciidamadaKenya gacan weyn ka geesteen ka sifeyntii Al-shabaab ee deegaankaas iyo maamul u samaynta goboladda Jubooyinka iyo Gedo ee dadka u dhashay deegaankaas oo ay dowladdaKenya gacan weyn ka geysandoonto.

ceegaag@hotmail.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag