Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hoggaamiyihii Al-Shabaab, Axmed Cabdi Godane lagu dilay weerar Isniinta ay diyaaradaha aan duuliyuhu wadin ee Mareykanku ka fuliyeen xero tababar oo ay malleeshiyada Al-Shabaab ku leedahay gobolka Shabeellaha Hoose.
War-saxaafadeed caawa kasoo baxay xafiiska madaxweynaha, ayaa lagu sheegay in weerarka ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyuhu wadin ee Mareykanka ay ku geeriyoodeen, Axmed Cabdi Godane iyo dhammaanba xubno kale oo ka tirsan kooxda oo wehliyey.
War-saaxafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay si buuxda uga war haysey, una taageertay weerarkii ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka, maaddaama dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu yahay mid caalami ah oo lagu bur-burinayo gabi ahaanba kooxaha Argagixisada ah.
Madaxweynaha ayaa ka mahad celiyey taageerada caalamku ka geysanayo dagaalka lagula jiro malleeshiyada Al-shabaab ee ka dagaallanta Afrikada Bari, gaar ahaanna Soomaaliya.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in Al-Shabaab ay buburtay, ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM-na uu ku guda jiro howgalka Badweynta Hindiya ee uu kooxda uga sifeynayo guud ahaanba dalka.
Xasan Sheekh ayaa tilmaamay inay ka warhayaan xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab oo aan fursad u helin inay kasoo baxaan kooxda iyo kuwo u raacay dhaqaale, si ay u maareeyaan nolosha qoysaskooda.
Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud , xusay in xubnaha kooxda Al-Shabaab ay haystaan muddo 45 cisho ah oo ay ugu soo baxaan kooxda, ugana qeyb qaataan dadaallada nabadda iyo dib u dhiska ee ka socda dalka.
Ceegaag Online
Figradihiina