Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga ka jaray Garoonka diyaaradaha Boosaaso

Janaayo 8 (Ceegaag)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka jaray garoonka diyaaradaha Boosaaso oo noqday mid ka mid ah garoomada ugu waa weyn ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika, kadib munaasabad ka dhacday garoonka.
Mashruuca dhismaha garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa waxaa maal gelisay dowladda Talyaaniga, iyadoo ay dhistay Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo CCECC, waxaana garoonka ka muuqday dib u dhis ballaaran oo lagu sameeyay halka ay diyaaradaha ku soo degaan.
Munaasabada daah furka Garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Xasan Sheekh, Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, Ra’iisul Wasaarayaashii hore Cali Maxamed Geeddi, C/wali Sheekh Axmed, Safiirada Talyaaniga iyo Shiinaha, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin, odayaal dhaqameedyo iyo dadweyne kala duwan.
Khubadihii laga jeediyay munaasabada ayaa waxaa dhamaan dadkii ka hadlay ay qireen horumarka Puntland ku tallaabsatay, garoonka Boosaaso oo ah mid casri ah, isla markaana la heer ah kuwa caalamiga, isla markaana ku fadhiya illaa 3-km.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda furitaanka garoonka Boosaaso ayaa sheegay in hirgelinta mashruucan uu ka tarjumayo dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.
“Maanta waa maalin farxadeed, waa maalin la isu bogaadiyo, waa maalin reyn reyn leh, Ilaahay ayaana mahadda iska leh. Horumar kasta oo la gaaraa waxaa sal u ah nabadda. Shacabka reer Boosaaso iyo guud ahaan Puntland waxay muujiyeen geesinimo, hawlkarnimo iyo sida ay uga go’an tahay inay nabadda iyo horumarka u taageeraan. Guusha lagu hirgeliyey mashruucan waxaa iska leh Soomaaliya oo dhan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Garoonka Boosaaso ayaa noqonaya kii u horeeyay ee casri ah oo ay yeelato Puntland, iyadoo garoonka Garowe uu yahay mid uu haatan ku socdo dayactir aad u ballaaran.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply