Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Sudan Cumar Xassan Al-Bashiir oo si xamaasad ku jirto loogu soo dhoweeyay Khartoum

June 16 (Ceegaag) —Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir

Cumar Al-Bashiir ayaa ka qeyb galay shirka Madaxda Midowga Afrika oo lagu marti geliyay magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika.

Madaxweyne Al-Bashiir ayaa waxaa soo dhoweynayay shacab fara badan, isagoo saarnaa gaari dusha ka furnaa oo uu ugu gacan haatinayay dadkii sii dhoweeyay.

Ka qeyb galkiisii shirka iyo ku sugnaanshihiisii Koofur Afrika waxaa ka dhashay xiisad, kadib markii Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ee ICC ay dalbatay in loo soo gacan geliyay.

Maxkamadda sare ee magaalada Pretoria ayaa soo saartay amar ku aadan in aanu dalka ka bixi karin, waxaana taasi keentay wal wal badan oo shacabka Sudan ka qabeen in loo gacan geliyo Maxkamadda ICC oo horay u jartay ruqsada lagu soo xirayo.

Laakiin Koofur Afrika ayaa sheegtay in aysan marti u aheyn, isla markaana aanay awood u laheyn inuu soo xirto, maadaama uu marti u yahay Midowga Afrika, isla markaana uu heysto xasaanad.

Shaki badan ayaa la gelinayaa xiriirka diblomaasiyadeed ee Koofur Afrika iyo Sudan, iyadoo dowladda Sudan lagu wado inay war ka soo saarto arrintan.

Maxkamadda ICC ma lahan Ciidamo boolis, sidaas darteed dalalka xubnaha ka ah ayaa waxaa waajib ka saaran inay soo qabtaan cidii lagu soo oogo dambi.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply