Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Turkiga oo la hadlay nin rabay inuu iska tuuro Buundada Istanbul

December 27 (Ceegaag)— Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa la hadlay nin doonayay inuu iska tuuro buundada ku taal magaalada Istanbul, sida Xafiiskiisa uu sheegay.
Ninkan ayaa saarnaa qarka buundada Bosphorus oo isku xirta Yurub iyo Aasiya, waxaana uu ku dhowaaday inuu is dilo.
Xilliga ninkan doonayay inuu iska tuuro buundada ayaa waxaa maryay buundada kolonyo uu la socday Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.
Muuqaalo Telefishinada soo bandhigeen ayaa muujinayay Ilaalada Madaxweyne Erdogan oo ninkan bad baadinaya, kuna qeylinayay is dilayo.
Ninkan ayaa markii dambe loo keenay Madaxweyne Erdogan oo aan gaarigiisa ka degin, xilli uu taleefan ku hadlayay.
Sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweyne Erdogan ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in ninkan doonayay inuu is dilo Madaxweynaha u balan qaaday caawimaad.
Ka hor inta aanu Madaxweyne Erdogan la hadlin ninkan ayaa waxaa muddo labo saacadood Booliska isku dayayeen inay ninkan bad baadiyaan, oo uusan naftiisa dilin.
Ninkan ayaa la sheegay inuu heystay dhibaatooyin xaga qoyska ah, sidaasna uu doonayay inuu isku dilo.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply