Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Muqdisho, 25 Luulyo 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya Mudane Antoine Sivan.
Madaxwaynaha iyo Safiirka oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dblomaasiyiin ka tirsan labada dal ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dhinac iyo Arrimaha ay ka rajaynayso Dowladda Federaalka Somaaliya in dowladda Faransiisku ay kala shaqayso.
Madaxwayne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladdu ay haysato taageerada Shacabka, sidaas darteedna looga baahnayahay wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya in ay dowladda kala shaqeeyaan qorshayaasha horyaala ay ka mid tahay xal u helista daymaha lagu leeyahay dalka iyo dhisidda ciidan Qaran oo hanan kara amniga guud ee dalka.
Danjire Antoine Sivan ayaa Madaxwaynaha u soo gudbiyey farriin uu uga siday Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ka tarjumaysa sida ay u garab taaganyihiin Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta ee Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Figradihiina