Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweyne Salva Kiir Oo Waraaqaha Aqoonsiga Ah Ka Gudoomay Danjiraha Dowladda U Fadhiyo Koonfurta Dalka Suudaan “Sawirro”

Waxaa maanta madaxweynaha wadanka Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit  uu waraaqadaha Aqoonsiga danjirenimo ka gudoomay Ambasador C/raxman Nuur  Maxamed “Diinaari” oo ah safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya wadankaasi.

Ambasadorka ayaa markii uu gaaray Xarunta Madaxtooyada Qaranka waxaa siweyn u soo dhaweyn qaarka mid ah golaha wasiirada ee wadanka Koonfurta Suudaan, waxeyna ciidanka Salaan Sharafta ku salaameen Salaanta calanka Dalkaasi iyadoo kooxda Baambeyda ay garaaceen Musikada astaanta u ah wadankaasi isagoona ku wareeejiyay Madaxweynaha waraaqaha aqoonsiga ah.

madaxweyne Salva Kiir Mayardit ayaa si heer sare uga gudoomay waraaqaha Aqoonsiga danjirenimo asigoona amaanay Dowladda  iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool wadankaasi oo uu sheegay in kaalin weyn ka qaataan dib u dhiska Dalkaasi.

Madaxweynaha iyo Danjiraha waxay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa Xiriirka Iskaashi iyo wax wada qabsi ee ka dhaxeeya labada Dowladood iyo labada Shacab, wuxuuna Salva Kiir uu danjire Cabdiraxman Diinaari uu u sheegay in dalka uu joogay la mid yahay dalkiisa shacabka iyo dowladda Koonfurta Suudaana ay gacan weyn ka siindoonta gudashada xilkiisa.

Ugu Dambeynti Danjire C/raxmaan Diinaari wuxuu oo xarunta Madaxtooyada kula hadlay Warbaahinta Dalkaasi Koonfurta Suudaan,isagoo guud ahaan Beesha Caalamka gaar ahaan Ganacstada Soomaaliyeed ugu baaqay iney maal gashadaan Dalkaasi.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag