Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Xilkii ka Eryay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Ee Soomaalilanad Yuusuf Cismaaciil Cali.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliland MD Siilaanyo ayaa lagu sheegay in Xilka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Ee Soomaalilanad Yuusuf Cismaaciil Cali ay tahay Cabsho ka timid Shacabka Soomaaliland oo Garsoorka ka cabanaya.
Dastuurka Maamulka Soomaaliland ayaa dhigaya in Madaxweynaha Maamulka uu Xilka ka qaadi karo oo uu Magacaabi karo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Xilka qaadista ayaa ku soo aadeysa xili Hay’addaha u dooda Xaquuqda Aadamaha ay Soomaaliland ku Dhaleeceeyeen in Dad badan loo Toogtay si qaldan Soomaalilandna ay beenisay hadalkaas.
wararka soogaaraya Ceegaag.com ayaa sheegaya xilka qaadistaasi inay abuurtay colaad siyaasaded taasoon lagaranayn halka ay biya dhigan doonto.
Ceegaag.com
Figradihiina