Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
November 18 (Ceegaag)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Al-Qaacida iyo kooxda dowladda islaamiga IS ay yihiin xoogag shayaadiin ah, isagoo ku baaqay in laga hortago, kadib weerarkii Paris.
Wareysi uu Madaxweynaha siiyay Wakaalada wararka ee AP, isagoo ku sugan magaalada Dubai ayuu muujiyay qatarta Al-Shabaab oo ku xiran Al-Qaacida, waxaana mar sii horeysay ay isku dayaan inay qaarijiyaan, iyadoo Shabaabka ay wali wadaan weerarada.
Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in dhaqaale ahaan iyo milateri ahaan la cunaqabateeyo kooxaha xagjirka ah, waxaana uu qiray inuu ogsoon yahay in qaar ka mid ah Al-Shabaab ay ku biireen Kooxda dowladda Islaamiga ee IS
“Dhamaadka natiijada waa isku mid, waa koox shayaadiin ah oo u taagan bur burin kaliya, magaca ay doonaan ha qaateen Al-Qaacida iyo Daacish”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo marar qaar adeegsanayay erayo carabi ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ficiladooda iyo fikiradahooda ay isku mid yihiin Al-Qaacida iyo Daacish, isagoo tusaale u soo qaatay in midba midka kale uu geysto weeraro arxan daro ah.
Al-Shabaab ayaa beryahan waxaa dhexdooda ka dhex taagnaa khilaaf oo ku aadan ku biiritaanka Daacish, waxaana ay xir xireen dagaalyahano badan, iyadoo koox ka mid aheyd oo ku sugneyd Buuraha Galgala ay ku dhawaaqeen inay ku biireen Daacish.
Ceegaag.com
Figradihiina