Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
July 26, 2015 (Ceegaag) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saakay socdaal degdeg ah ugu ambabaxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, iyadoo Madaxweynaha socdaalkiisa ay ku wehliyeen madax ka tirsan Golayaasha Dowladda.
Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegayaa inuu la xiriiro sidii uu kulamo ula yeelan lahaa madaxda maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.
Labada dhinac ayaa ka wadahadlaya arrimo ku saabsan sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirkooda, isla markaana loo soo afjari lahaa khilaafyada u dhaxeeya.
Wararku waxay intaasi ku darayaan kulanka looga hadlayo qorsheyaal kale oo ku saabsan in wada shaqeynta labada dhinac ay soo hagaagto.
Ceegaag- muqdisho
Figradihiina