Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Febraayo 1 (Ceegaag)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wali ay Dowlada Soomaaliya ku tiirsanaan karto ciidamada shisheeye ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.
Wareysi uu siiyey BBC qeybteeda Af-Soomaaliga, ayuu madaxweyne Xassan kaga hadlay waxqabadka ciidamada AM?SOM iyo cidda laga rabo in ay dhisto ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Mar wax laga weydiiyey bal in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay wali ku tiirsanaan karto ciidamada Midowga Africa ee dalka jooga ayuu ku jawaabay in ay si aad ah ugu tiirsanyihiin walibana ka wax qabad badanyihiin ciidamada Qaramada Midoobay ee howlgalada u jooga meelo ka mid ah aduunyada.
‘Cidamada AM?SOM aad iyo aad ayaan ugu tiirsanaan karnaa, Soomaalida wax badan ayey u qabteen waana gargaareen, maalinteey imaanayeen iyo maanta Soomaaliya way kala duwantahay, xaaladda Shabaabna way kala duwantahay’ ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa laba u kala qaaday dagaalka ay Soomaaliya ku jirto, isaga oo ku tilmaamay kan hore mid ay aduunyada oo dhan si saf ah ula dagaaleyso argagixiso, halka dagaalka labaadna uu ku tilmaamay mid Soomaaliya oo kaashaneyso Amisom ay goob dagaal oo toos ah kula qaadaneyso Al Shabab.
Wuxuu intaasi ku daray in mar haddii goob dagaal ay laba ciidan isaga hor imaadaan ay markaasi suura gal tahay in marba dhinac uu dagaalka ku jabo taasina ay qeyb ka tahay xaalad dagaal.
?saga oo ka jawaabayey su,aal aheyd muddada dheer ee uu socdo howlgalka AM?SOM iyo qarashka lagu bixinayo oo aad u badan ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh aad u difaacay howlgalka AM?SOM.
‘‘Waa run 9-sano ayey joogaan Soomaaliya ciidamada AM?SOM, waxaad eegtaa ciidamada UNka imisa sano ayey joogaan wadanka Koongada Dimoqraadiga, Darfur iyo Buuraleyda Goolan, marka loo eego waxa ay qabteen 30 sano iyo ciidamada AM?SOM howsha ay Soomaaliya ka qabteen sagaal sano waa horumar aad iyo aad u weyn, ciidamada Soomaalidana way dhismayaan marka dhameystir un baa dhiman’’ ayuu yiri Md. Xasan.
Ugu danbeyntii madaxweynaha ayaa ku eedeeyey Soomaalida in ay gacmahooda ku burburiyeen dowladnimadi hore ee Soomaaliya, balse waxa uu ugu baaqay shacabka in ay ka qeybqaataan dhismaha ciidamada kala duwan ee Soomaaliya.
‘Mas,uuliyada dadka Soomaalida leh iyagaa leh, dalkaan hadii uu dumay iyagaa gacnahoda ku dunsaday, waxay ahaayeen. Anagaa dalkaan joognay dadka Soomaalida mid qori tuurayi mid xabbad tuuray mid qalbiga ka jeclaa ayaa la wada ahaa, maanta marka waan garanay inaan khaldannay waana kasoo noqonay, ciidamadeena iyo dalkeena inaan dhisanno inagaa nalaga rabaa, mas,uuliyadana innagaa leh oo eeda yaanan dad kale saarin.’’ Ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa labadi maalmood ee lasoo dhaafay waxa uu uga qeybgalay magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia shirka madaxda Africa.
Ciidamada AMISOM ayaa soo galay Soomaaliya sanadki 2007, kadib marki uu madaxweynihi hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yusuf Axmed ka codsaday Midowga Africa in ay Soomaaliya usoo diraan 20 kun oo askari oo taageera dowladiisii kumeel gaarka aheyd.
Ceegaag.com
Figradihiina