Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka

Madaxweynaha Jamuuriyada Federaalka ah ee Soomaali Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Ethiopia ayaa halkaasi kulan kula qaatay Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka John Kerry, iyagoo ka wada hadlay arrimo badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka John Kerry ayaa kulankooda waxa ay uga arrinsadeen arrimo badan oo ay ugu horeyso sidii dowladda Maraykanka ay u xoojin lahayd taageerada  ay siineyso dowladda Soomaaliya.

Mr John Kerry oo lahadlay markii uu kulanka soo idlaaday kaddib ayaa tilmaamay in Xukuumadda Washington ay xoojin doonto taageero dhinac walbo leh oo ay siineyso dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in dowladdu ay iminka ku talaabsatay horumar la taaban karo.

Tani ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladdu ku xoojineyso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay beesha caalamka.

ceegaag.com

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply