Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Oktoobar 24, (Ceegaag) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee Muqdisho warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha cusub ee boqortooyada Netherlands ee Somalia, Franciscus Albercht Makken.
Xasan Sheekh ayaa danjiraha u xaqiijiyay in dowladda Somalia ay si buuxda ula shaqeyn doonto, isla markaana ka mahad-celiyay doorka Netherlands ay ka qaadaneyso arrimaha Somalia.
Waxaa kaloo uu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in Somalia ay u baahan tahay in laga taageero sidii barnaamijyo mihnadeed loogu fidin lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed, isla markaana Midowga Yurub iyo Beesha Caalamka ay gacan uga siin lahaayeen xukuumadda Somalia sidii loo joojin lahaa falal kalluumeysi sharci-darro ah oo ay xeebaha waddanka ka sameynayaan maraakiib shisheeye.
Sidoo kale, danjire Makken ayaa isna sheegay in dowladiisa ay sii wadi doonto taageerada ay ka geysaneyso barnaamijyada dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.
Danjiraha ayaa intaas ku daray in boqortooyada Netherlands oo la shaqeyneysa Midowga Yurub ay wadajir wax uga qaban doonaan baahiyada ka jira Somalia, iyagoo talooyin ka qaadanaya madaxda Somalia.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda xukuumadda Somalia, Axmed Cali Kediye iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socdey labada dhinac.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina