Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Itoobiya oo Madaxweynihii dhawaan Ahlusuna ku dooratay Dhuusa-mareeb Xabsi dhigtay

July 18 (Ceegaag)—Dowlada Itoobiya ayaa la sheegay inay xabsi guri gelisay Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo dhawaan Magaalada Guriceel loogu doortay inuu Madaxweyne u yahay gobolada dhexe ee dalka. Sarkaalkaan oo madax ka ah ururka Ahlu suna ayaa waxaa iminka lagu hayaa Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya waxaana lagu amrey inuuusan Soomaaliya dib ugu laaban.

Sheekhaan ayaa markii la caleema saaray kadib wuxuu gaaray Degaanka Balidhiig oo soonka 5aad halkaasoo Itoobiyaanku ka wateen sidaana lagu geeyay Magaalada Adis ababa halkaasuu uu xabsi guri ku yahay. Si rasmi ah looma oga ujeedka dhabta ah ee Itoobiyaanku u xireen Sheekh Maxamed Shaakir laakiin wararka qaar oo soo baxaya ayaa sheegaya in Dowlada itoobiya taageersan tahay Maamulka Galmudug sidaas daraadeed ay ka hortagayaan inuu caqabad ku noqdo. Dhanka kale Madaxda kale ee Ahlu suna wali kama hadlin xariga loo geystay Madaxweynahooda iyo waliba sababta ka danbeysa.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply